Isku xirrada

War

Soomaali loo Xiray Argagixisinimo


Soomaali loo Xiray Argagixisinimo

Soomaali loo Xiray Argagixisinimo

Wiilkan dhalinyarada Soomaaliga ah waxaa lagu eedeeyay inuu qarax baabuur u geysan lahaa xaflad masiixeed ka dhacaysay Portland.

Dacwad oogayala Maraykan ah ayaa sheegay in wiil dhalinyaro ah oo asalkiisu ka soo jeedo Soomaaliya xalay jimcihii lagu xiray magaalada Portland ee gobolka Oregon, kadib markii uu isku dayay inuu qarax baabuur u geysto goob ay ay ka socotay xaflad masiixeed.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in wiilkaasi 19 jirka ah lagu magacaabo Maxamed Cismaan Maxamuud loo taxaabay xabsi federaali ah, halkaasoo ay su’aalo ku weydiinayaan bileyska FBI-da.

Maalinta isniinta ee todobaadkan ayaa la horkeeni doonaa maxkamad.

XS
SM
MD
LG