Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali lagu qabqabtay dalka Holland


Soomaali lagu qabqabtay dalka Holland
Soomaali lagu qabqabtay dalka Holland

Boolisku waxay xabsiga u taxaabeen 12 Soomaali ah oo ku noolaa magaalada Rotterdam ee dalkaasi oo ay hawlgal ka sameeyeen.

Booliska magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa xabsiga dhigay 12 nin oo Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood guryohooda laga qabqabtay.

Bile Gurxan oo ah suxufi madaxbannaan oo ku nool magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa VOA-da u sheegay in boolisku ay xalay jebiyeen goobo ganacsi halkaasoo ay ka qaateen computerro.

Saxaafadda dalka Holland ayaa sheegtay in ujeedada xarigga raggan Soomaalida ay qeyb ka tahay adkeyn dhanka ammaanka ah iyo ka dib markii boolisku ay uga shakiyeen inay maleegayaan falal ka dhan ah ammaanka. Hase yeeshee sarkaal ka tirsan boolisa ayaa sheegay inaanay weli helin wax caddeynaya halis dhanka ammaanka.

XS
SM
MD
LG