Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali la Siiyay Dhalashada Tanzania

Soomaali la Siiyay Dhalashada Tanzania
Soomaali la Siiyay Dhalashada Tanzania

Dawladda Tanzania ayaa sheegtay in ay dhalshada wadankeedda siinayso ilaa 3000 oo qof oo ah dadka loo yaqaano Soomaali baantuuga ah.

Dadkaasi oo ka soo firxaday dagaalada sokeeye ee dalka somalia sanadahii sagaashameeyadii.mana aha markii ugu horaysay ee ay dawlada Tanzania dhalshooyin ay siiso Somalida u qaxday dalkeedda
Isaga oo ka hadlayay shir jaraaid oo lagu xusayay maalinta qaxootiga aduunka oo ku beegan 20ka bishan June,ayaa wakiilka hayada qaxootiga ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ugu qaabilsan dalka Tanzania Mr Oluseyi Bajulaiye,waxaa uu sheeggay in tan iyo sanadkii 2005,ay dawlada Tanzania dhalashada dalkeedda ay siisay tiro aan sidaasi u badnayn Somali ah oo dalkoodda ka soo firdhaday sanadahii sagaashameeyadii,tiradaasi oo ay haatana ku soo biireen 3000 ee qof ee ah dadka loo yaqaano soomaali Baantuuga ee haatan la siinayo dhalashada dalka Tanzania
Mr Bajuuyaile waxaa uu sheeggay in sidoo kale ay dawlada Tanzania ay dhawaan dhalashooyin siisay qaxooti ka soo cararay dagaaladii wadanka Burundi oo ay tiradoodu dhan tahay 162,000 qof.,dadkaasi oo ku sugan gobolada Rukwe iyo Tabora,waxaana uu sheeggay in ay qaxootigan reer Burundi joogeen dalka Tanzania tan iyo snaadkii 1972 oo ay kuna deganaayeena degmooyinka muddada dheer soo jiray ee Katumba,Mashamo iyo Ulyankulu.
Wadnka Tanzania ayaa waxaa uu sanado badan hoy u ahaa qaxootiga ka soo baxsanayay dagaalada sokeeye ee wadamada ku yaalla bariga iyo badhtamaha Africa.

XS
SM
MD
LG