Isku xirrada

War

Soomaali ku jirta Xabsiyada Angola


Soomaali ku jirta Xabsiyada Angola

Soomaali ku jirta Xabsiyada Angola

55 qof oo Soomaali ah oo ku jira xabsi ku yaala Angola ayaa rajo fiican ka muujiyay in la sii deyn doono dhawaan.

Soomaali ku xiran dalka Angola ayaa sheegay inay dhawaan filayaan in la sii deyn doono, kaddib markii maxkamad ku taalla Angola amartay siideyntooda, sidoo kalena jaalliyada Soomaalida ee Angola ay u qabteen sharci-yaqaan u doodda xaqooda.

C/casiis Max'ed Xasan oo ka mid ah maxaabiistaasi ayaa VOA u sheegay in dadkan intooda badan laga soo qabtay xadka uu dalkaasi la wadaago Namibia, waxayna dadkaasi ahaayeen tahriibayaal u safrayay dalka Koonfur Afrika.

XS
SM
MD
LG