Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ku Go'doonsan Dagaallada Sanca


Soomaali ku Go'doonsan Dagaallada Sanca
Soomaali ku Go'doonsan Dagaallada Sanca

Qunsulka Somalia ee Yemen, Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay jiraan Somaali ku xanniban goobaha ay ka socdaan dagaallada ee magaalada Sanca

Qunsulka Somalia ee Yemen, Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dagaallada ka socda magaalada Sanca ee u dhaxeeya ciidamada dowladda Yemen iyo maleeshiyo beeleedyada ka soo horjeeda dowladda Yemen ay barakicyeen qaar ka tirsan jaalliyada Soomaalida ee degan magaalada Sanca.

Qunsulka oo VOA-da u warramayay ayaa sheegay in ilaa haatan la xaqiijiyay inuu dhintay wiil yar oo Soomaali ah ay haleeshay rasaasta la isku weydaarsanayo dagaalladaasi. Qunsulku wuxuu xusay in 20 qoys oo Soomaali ah ay ka soo barakaceen xaafaddaha uu dagaalku ka socdo, iyadoo sidoo kalena ay jiraan qoysas kale oo halkaasi wali ku go'doonsan.

Qunsulku wuxuu sheegay in dadka soo barakacay ay haatan la nool yihiin ama dul-saar ku yihiin qaraabadooda, qaarkoodna la dajiyay xarummo loogu talagalay dadka qaxootiga.

Qunsulka Somalia ee Yemen, wuxuu sheegay in haddii dagaalladu ay sii dheeraadaan ay dadka Soomaalida ee Sanca degan ku khasbi doonto inay magaalada ka baxaan oo u qaxaan meello kale oo xasiloon ama ay ku dib ugu qixi doonaan dalkooda Somalia.

Sidoo kale Saddex qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dhawaan magaalada Cadan. Qunsulka Soomaalida ee Yemen ayaa VOA u sheegay in saddexdaasi qof ay dileen kooxo tuugo ah oo ka faaidaysanaya xaaladda fowdada ah ee haatan ka jirta Yemen.

XS
SM
MD
LG