Isku xirrada

Soomaali Ka Mid Noqday Golaha Oslo


Baashe ayaa shaaca ka qaaday inuu ka hortagi doono in qoysaska Soomaaliyeed ee Oslo lagala wareego carruurtooda.

Baashe Muuse oo Soomaali ah oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee (Labor) ee ku guuleystay doorashadii ka dhacay dalka Norwqy, ayaa guul ka gaaray doorashadii uu u galay golaha deegaanka ee magaalada Oslo.

Baashe oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in waxyabaha ugu horreeya ee uu qaban doona ay ka mid yihiin in qoysaska Soomaaliyeed ee degan Oslo iyo dowladda ay is-fahmaan, islamarkaana shaqooyin loo abuuro Soomaalida.

Baashe waxa kale oo u shaaca ka qaaday inuu ka hortagi doono in qoysaska Soomaaliyeed lagala wareego carruurtooda, kuwa horey looga qaatayna dib loogu soo celiyo.

Weriyaheena Cabdiraxmaan Xuseen Furre ayaa wareystay Baashe Muuse.

XS
SM
MD
LG