Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajir Eritrean Ah Oo Lagu Toogtay Israel


Soogalooti reer Eritrea ah oo isaga iyo saaxiibkii ay bas sugayeen ayaa waxa toogtay ku dilay askar reer Israel ah oo ku khalday nin laga shakisanaa in Axaddii hore uu weerar ka geystay goob baabuurta laga raaco.

Yohanns Arefayne oo saaxiib la ahaa ninka la dilay, Habtom Zerhom ayaa VOA u sheegay in isaga iyo saaxiibkiisa dhintay ay maqleen rasaasta iyaga oo baska sugaya, ka dibna ay carareen, markii ay dibadda u baxeena uu waayey saaxiibkii Zerhom.

Yohanns ayaa sheegay in qof kale oo reer Eritrea ahi uu sheegay in saaxiibkii uu dhulka yaallo, dad careysanina ay weerarayaan, marka uu isku dayo inuu kacana uu booliisku ka horjoogsanayey.

XS
SM
MD
LG