Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Dalbatay Joojinta Dacwadda Cali Samatar


Soomaali Dalbatay Joojinta Dacwadda Cali Samatar
Soomaali Dalbatay Joojinta Dacwadda Cali Samatar

Isu soo bax ballaaran oo ka dhacay magaalada Minneapolis ayaa lagu dalbaday in la joojiyo dacwaddaka dhan ah Jeneral Maxamed Cali Samatar.

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa ka dhacay bannaanbax ay ka qeybgaleen Soomaali badan oo deggan magaaladaasi, kuwaasoo dalbaday in laysaga haro amma la joojiyo dacwadda ka dhanka ah Jeneral Maxamed Cali Samatar oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Cismaan Ducaale Daahir oo ka mid ah dadkii soo abaabulay bannaan baxa ayaa sheegay in ay uga gol leeyihiin inay farriin u diraan dowladda Maraykanka iyo Soomaalida.

Wuxuu sheegay in Maraykanka laga yaabo inaysan aqoon badan u lahayn, ayna u baahan yihiin in sharraxaad laga siiyo qofka uu ahaa Cali Samatar.

Wuxuu kaloo sheegay in Soomaalidu ay ogtahay dagaaladii qabaa'ilka ku saleysnaa ee ka dhacay dalka waxa ay ku saleysnaayeen. Wuxuu ku adkaystay in Jeneral Maxamed Cali Samatar uusan daraf ka ahayn dhibaatadii ka dhacday dalka Soomaaliya, xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Jeneraal Cali Samatar waxaa sanadkii hore soo dacweeyay dad ka eed sheeganayay.

XS
SM
MD
LG