Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Xafladda Xil-wareejinta.


Axmed Maxamed Siilaanyo
Axmed Maxamed Siilaanyo

Hargeysa waxaa ka socota qabanqaabada xafladda xil-wareejinta. Mr Rayaale ayaa xilka ku wareejinayaa madaxweynaha cusub Axmed Siilaanyo.

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka socda qaban-qaabada xafladda xil-wareejinta. Madaxweynaha cusub Mr Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu xilka madaxweynenimad kala wareego Daahir Rayaale.

Xil-wareejintan ayaa timid kadib markii Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo Siilaanyo ay ku guuleysteen doorashadii madaxtinimada ee dhacday 26-june ee bishii hore

Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa inuu dhawaan soo dhiso xukuumad cusub.

Weriyaha VOA Hargeysa Sahra Ciidle Nuur ayaa soo gudbinaysa barnaamij dood ah oo ku saabsan waxaa lagu xasuusan karo maamulkii Rayaale, waxaa laga filanayo xukuummadda cusub iyo waliba waxa ay noqon karaan waxyaabaha loo baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo

Barnaamijkan doodda ah waxaa arrimahaasi falanqeynaya Dr. Maxmed Rashiid Sheekh Xassan, Dr Xuseen Bulxan iyo Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG