Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Wasiirro Shir Jaraa'id Qabtay


Somaliland: Wasiirro Shir Jaraa'id Qabtay
Somaliland: Wasiirro Shir Jaraa'id Qabtay

Wasiiradu waxay ka hadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka oo ku xiran Boorama iyo dagaalkii Galgala.

Ilaa 7 wasiir oo ka tirsan maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxay magaalada Hargeysa ku qabteen shir jaraa'id oo ay kaga hadleen arrimo kala duwan.

Arrimaha ka hadleen wasiiradan waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka, xiisadda ka taagan deegaanka Galgala, ammaah lagu lahaa maamulkii hore iyo arrimo badan oo quseeya Ammaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Soomaaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa qoraal uu akhriyay ka codsaday shacabka Soomaaliland inay xukuumadda iyo ciidamada ammaanka la shaqeeyaan.

XS
SM
MD
LG