Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Tirinta Codadka oo la Bilaabay


Wararka ka imanaya Somaliland ayaa sheegaya in xalay ay bilaabantay hawshii tirinta cododku.

Shaqaalaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ilaa xalay waday tirinta codadka , iyada oo marka hore lagu tiranayo goobaha codadka laga dhiibta ka dibna loo soo wareejin doono xaruunta dhexe ee guddiga doorashooyinka ee magaalada Hargeysa , halkaasi oo lagaga dhawaaqi doono Natiijada.
Ku dhawaaqista natiijada ayaa la filayaa in ay qaadato dhowr maalmood , inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin wakhtiga si kama dambays ah loogu dhawaaqayo.
Guud haan doorashada Somaliland ayaa si nabadgaliyo ah uga dhacday gobolada kala duwan , marka laga reebo ku dhawaad 30 goobood oo ku yaallay bariga Somaliland kuwaasi oo uu Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Somaliland uu sheegay in sababo dhinaca nabadgaliyada awogood loo xidhay.

Shaqaalaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ilaa xalay waday tirinta codadka .

Codadka ayaa marka hore lagu tirinayaa goobaha codadka laga dhiibtay.

Waxaana intaas ka dib loo soo wareejin doonaa xaruunta dhexe ee guddiga doorashooyinka ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo lagaga dhawaaqi doono Natiijada.

Ku dhawaaqista natiijada ayaa la filayaa in ay qaadato dhowr maalmood , inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin wakhtiga si kama dambays ah loogu dhawaaqayo.

Guud haan doorashada Somaliland ayaa si nabadgaliyo ah uga dhacday gobolada kala duwan, marka laga reebo ku dhawaad 30 goobood oo ku yaallay bariga Somaliland kuwaasi oo uu Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Somaliland uu sheegay in sababo dhinaca nabadgaliyada awogood loo xidhay.

XS
SM
MD
LG