Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Go'aankii Gaafow Nama quseeyo


Gaafoow (Sawirka Radio Muqdisho)
Gaafoow (Sawirka Radio Muqdisho)

Dowladda Somaliland waxa ay sheegtay inaanu khuseyn go'aankii lagu joojiyey duulimaadyadii Muqdisho illaa Hargeysa.

Somaliland ayaa jawaab ka bixisay go'aanka dawlada Soomaaliya ay ku sheegtay inay ku hakin doonto duulimaadyada u kala goosha magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac u waramay ayaa sheegay in aanu khusaynin go’aanka dowladda Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay in Somaliland aanay waxba ka baddalaynin go'aanadii ay hore uga soo saartay isu socodka labada dhinac.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan joojin doonin diyaaradaha ka baxaya Hargeysa ee tagaya Muqdisho, balse dowladda Soomaaliya ay ayada u taal, haddii ay dadkaas dib usoo celineyso iyo haddii kale.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac, ayaa Hargeysa ku wareystay Maxamed Muuse Diiriye.

Somaliland oo u jawaabtay dowladda Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:35 0:00

XS
SM
MD
LG