Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo ka hadashay xaaladeheeda Xuquuqda Aadamaha


Somaliland oo ka hadashay xaaladeheeda Xuquuqda Aadamaha
Somaliland oo ka hadashay xaaladeheeda Xuquuqda Aadamaha

Deegaanada Somaliland ayaa maanta laga xusay maalinta xuquuqda aadamaha ee adduunka ee ku beegnayd 10-kii bishan.

Xaflad weyn oo la xiriirtay maalinta xuquuqda aadamaha ayaa ka dhacday magaalada Hargeysa.

Wasiirka cadaaladda ee maamulka Somaliland Pr. Ismaaciil Muumin Aar ayaa sheegay in xaaladda xuquuqda aadamaha ee Somaliand ay hooseyso maadaama buu yiri uu dalku ku jiro soo kabasho. Wuxuu kaloo sheegay inuu jiro baraarug bushada ah oo la xiriira ilaalinta xuquuqda aadamaha.

Ururada xuquuqda aadamaha ee Somaliland ayaa ugu baaqay maamulka inuu dhiso hay'ad looga dacwooda haddii ay xadgudubyo ka yimaadaan saraakiisha dowladda.

XS
SM
MD
LG