Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Joojisay Diyaarad Qalab Ciidan u Sidday Puntland


Somaliland oo Joojisay Diyaarad Qalab Ciidan u Sidday Puntland
Somaliland oo Joojisay Diyaarad Qalab Ciidan u Sidday Puntland

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Soomaaliland Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in ay joojiyeen diyaarad qalab ciidan u sidday Puntland.

Maamulka Soomaaliland ayaa joojiyay diyaarad qalab militari u sidday Maamulka Puntland. Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa VOA-da u sheegay in diyaaraddaasi ay si deg deg ah ugu soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Dr. Gaboose ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay u oggolaadeen inay ku soo degto Hargeysa ka dib markii ay codsatay inuu shidaalkii ka dhammaanayo ayna u baahan tahay degitaan deg deg ah. Ka dib ayuu sheegay inay baaris ku sameeyeen diyaaradda waxa ay siddo.

Wasiirka ayaa sheegay in diyaaraddan ay ka timid dalka Koonfur Afrika, Transit-na ku soo martay Uganda, kuna sii jeeday Puntland. Baaritaankii ay sameeyeen ayuu sheegay inay ka dhex heleen diyaaradda qalab ciidan.

Shirka caalami ah ayaa tababar ciidan siineysa ciidamada Puntland, arrintaasoo ay Somaliland walaac ka muujisay.

XS
SM
MD
LG