Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Diiday Wadahadalka DKMG


Somaliland ayaa sheegtay inaysan wadahadal la qaadan doonin Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Hadalka oo ka soo baxay wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Dr Max'ed C/llaahi, ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay ka soo horjeesata laba ergo oo ka mid ah xubnaha guddiga dowladda Soomaaliya ee wadahadalka la galaya Somaliland, kuwaasoo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland.

Laba xubnood ayaa asal ahaan ka soo jeeda deeggaannada ay Somaliland maamusho. Somaliland waxay sheegtay in labadan xubnood ay carqalad ku noqonayaan hannaanka wadahadal dhexmara labada dhinac.

Somaliland waxay sheegtay inaysan wax wadahadal ah la furayn Soomaaliya ilaa iyo inta labadaasi xubnood ku jiraan ergada.

Madaxweyne Shariif ayaa toddobaadkii hore magacaabay guddi ka kooban 5 wasiir oo wadahadal la furo Somaliland, waxaana la sheegayaa in guddigaasi lagu daray laba xubnood oo ka socota maamulka Puntland.

XS
SM
MD
LG