Isku xirrada

War

Somaliland oo Daawada la Baadhayo


Somaliland oo Daawada la Baadhayo

Somaliland oo Daawada la Baadhayo

Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegay in ay heleen qalab ay ku baadhayaan daawooyinka ka soo dega Somaliland.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in markii ugu horaysay la keenay shaybaadh lagu hubiyo tayada dhamaan daawooyinka la soo dejinayo.

Dr Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen Xoog) oo waraysi gaar ah siiyay laanta af soomaaliga ee VOA, waxaa uu sheegay in xataa wixii tayo ahaan qalabka yaalaa kala cadayn kari waayo in loo dhoofin doona dalka Kenya si baadhis labaad loogu sameeyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradu dhawaanta bilaabayaan olole ay ku ogaanayaan goobaha daawada lagu iibiyo ee ganacsi ahaan loo furanayo.

Waraysiga Wasiirka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG