Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mowqifka Somaliland Ee Maamulka Hawada


Wada-hadallada maamulka hawada ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa toddobaadkan dib uga bilaabmaya dalka Turkiga, waxaana magaalada Hargeysa galabta ka amba-baxay wefti uu hoggaaminayo wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo wareysi siiyey weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Kaariye ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkooda, oo aysan yeeli doonin in hawada Somalia laga maamulo Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay dooneyso inay dhacaan saddex arrin midkooda, kuwaasi oo kala ah; in Hawada laga maamulo Hargeysa, ama hawada loo kala gooyo Somaliland iyo Somalia, ama in QM ay gacanta kusii hayso.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu wacad ku maray inaysan aqbali doonin in hawada laga maamulo Muqdisho, islamarkaana haddii saddexdaas midkood aysna dhicin ay mar kale isaga soo tagi doonaan wada hadallada.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

Wareysi: Maxamuud Xaashi
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:13 0:00

XS
SM
MD
LG