Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Ololihii Doorashada oo Furmay


Somaliland: Ololihii Doorashada oo Furmay
Somaliland: Ololihii Doorashada oo Furmay

Ololihii doorashada madaxweynenimada ayaa si rasmi ah uga bilaabmay Jamhuuriyadda la baxday Somaliland.

Fagaaraha Xuriyadda ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta waxaa isugu yimid kumanaan ka mid ah taageeyaasha xisbiga talada haya ee UDUB.

Waxaana dadweynaha halkaasi kula hadlay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kahin, oo ah guddoomiyaha UDUB una sharaxan jagada madaxweynaha.

Daahir Rayaale ayaa khudbad dheer oo halkaasi ka jeediyay ku sheegay in xukuumaddiisu ay soo qabtay waxyaabo badan isaga oo ka codsaday dadweynaha in ay mar kale soo doortaan xisbiga UDUB si loo sii ambaqaado hawalaha ay qabteen.

Waxaana uu dadweynaha ka codsaday in si nabad ah u codeeyaan marka la gaadho maalinta codbixinta.

Ololaha doorashada ayaa socon doona ilaa 23ka bishan June, waxaana durba laga dareemayaa magaalooyinka waawayn ee Somaliland xamaasadda ololaha doorashada.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warbixin ku saabsan bilawga ololaha doorashada.

XS
SM
MD
LG