Isku xirrada

War

Somaliland: Muran soo Dhexgalay Guurtida


Shirguddoonka Guurtida

Shirguddoonka Guurtida

Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa waxaa ka jira muran ku saabsan beddelaad lagu sameeyay Guddiga joogtadaha ee golahaasi.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guurtida Sh Axmed Sh Nuux Furre oo imika sii haya jagada guudoomiyenimada ayaa VOAda u sheegay in tallaabadani ay tahay mid caado u ah golaha iyada oo sida uu sheegay sannadkiiba mar la bedelo guddiyo hoosaadyada.

Guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland Cabdilaahi Ibrahim Xirsi (Dhugad ) ayaa waraysi uu isaguna siiyay VOAda ku tilmaamay hadalka kusimaha gudoomiyaha Guurtidu inuu yahay mid aanay waxba ka socon, Isbeddelka Golahuna aanau ahayn mid sharci ah.

Murankan ayaa ku soo beeegmay iyada oo uu maqanyahay guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Waraysiga labada mudane ka dhegayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG