Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Mooshin Dib Loo dhigay


Somaliland: Mooshin Dib Loo dhigay
Somaliland: Mooshin Dib Loo dhigay

Baarlamaanka Somaliland waxaa maanta dib loo dhigay mooshin lagu dalbanayo in isbeddel lagu sameeyo tirada ridi karta shir-guddoonka.

Fadhi uu maanta yeeshay Golaha Wakiillada Somaliland oo la filayey in laga hor akhriyo mooshin muran dhaliyey ayaa dib loo dhigay kaddib markii ay codsadeen mudanaayaashii waday mooshinkaasi.

Mooshinkan oo uu fadhiga ka hor-akhrin lahaa la taliyaha sharciga ee golahaasi ayaa wuxuu ku saabsan yahay wax ka bedelka xeerhoosaadka golahaas. Qodobka muranka dhaliyay ee mooshinka ku jira ayaa waxaa ka mid ah tirada xildhibannada ridi karta shirguddoonka oo hore u ahayd 55 mudane balse mooshinkan lagu dalbayo in laga dhigo 42 xildhibaan.

Waxaa haatan socda wadahadallo hoose oo la isaga kala dab-qaadayo xildhibaannada si murankan xal looga gaadho.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixinta fadhiga maanta.

XS
SM
MD
LG