Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Maciishadda oo sare u Kacday


Somaliland: Maciishadda oo sare u Kacday
Somaliland: Maciishadda oo sare u Kacday

Qiimaha dolarka oo hoos u dhacay iyo maciishadda oo sare u kacday ayaa keenay in tiro badan oo qoysaska danyarta ahi ay dhib la kulmaan

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdi Dirir Cabdi iyo Wasiirka Ku- xigeenka Maaliyadda, Warsame Cabdi ayaa ka hadlay isbeddelka ku yimid maciishadda daruuriga ah ee Somaliland.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdi Dirir Cabdi ayaa sheegay in sababta ay arrintani u dhacday ay tahay iyadoo deyn badani ay dawladda Somaliland ku maqan tahay, taasina ay bangiga dhexe u saamixi weyday inay lacag cusub soo daabacaan si ay iskugu jaangooyaan. Arrinta labaad ee dhibta keentay ayuu guddoomiyuhu ku macneeyey in lacagtii Somaliland ay meelo fog fog gaartay oo aanay ku koobneyn suuqyada Somaliland oo kaliya, taasina ay keentay inay suuqa ku yaraato.

Wasiirka Ku-xigeenka Somaliland ayaa dhinaciisa ku macneeyey isbeddelka dhacay in dadka ganacsatada ahi ay lacagtii Somaliland ku hayaan bakhaaradooda, iyagoo arrintaas ka ganacsanaya.

Warka oo dhameystiran, hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG