Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland iyo Hay'adaha Deeqda Bixiya oo Kulmay


Somaliland iyo Hay'adaha Deeqda Bixiya oo Kulmay
Somaliland iyo Hay'adaha Deeqda Bixiya oo Kulmay

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaa sheegay in hay'adaha deeqda bixiyaa ay Somaliland ka caawinayaan mashaariicda horumarka

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa sheegay in shirkii Somaliland iyo hay’adaha deeqda bixiya ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ay kaga wada haldeen hindise horumarineed iyo mashaariic ay jamhuuriyadda Somaliland u soo bandhigtay hay’adaha shirka ka qeyb galay, mashaariicdaas oo ay ka mid yihiin kuwa biyaha, waddooyinka, cusbooneysiinta dekedaha iyo gegida dayuuradaha, iyo waliba mashaariic dhiiri galinaya shaqo-abuurka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland iyo hay’aduhu ay ka wada shaqeynayaan sidii ay u abuuri lahaayeen guddi labada dhinac ah oo ka wada shaqeeya sidii deeqda Somaliland loogu talo galay uu guddigaasi u maareyn lahaa.

Warka oo dhameystiran, hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG