Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Guddi loo Magacaabay Arrimaha Bariga

Madaxweyne Siilaanyo
Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed (Silaanyo) ayaa magacaabay Guddi ka soo tala bixisa arrimaha Sool iyo Sanaag Bari.

Guddidan ayaa sida lagu xusay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland loo xilsaaray un ay ka soo talo bixiyaan soona qiimeeyan, Duruufaha ka taagan Gobobolada Sool iyo Sanaag Bari iyo sidii loo heli lahaa qorshe Nabadeed oo lagu xalliyo arrimaha Goboladaasi
Xubnaha Guddidan Madaxwaynuhu uu magacaabay waxa uu Gudoomiye uga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, waxaana Xubno ka ah wasiiradda,Gaashaandhiga, Duulista Hawada, Boosaha , wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha.
Sidoo kale guddidan ayaa waxaa xubin ka ah Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda, iyo weliba Siyaasiga Fu’aad Aadan Cadde oo hore wasiir uga ahaa Somaliland.

XS
SM
MD
LG