Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Dad Masaafuris ah lama Keenayo Somaliland


Somaliland: Dad Masaafuris ah lama Keenayo Somaliland
Somaliland: Dad Masaafuris ah lama Keenayo Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Maxamed C. Cumar ayaa beeniyey in Somaliland iyo Denmark ay hesshiis ku galeen soo celinta dad Somali ah

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beenisay inay heshiis ay la gashay dawladda Denmark, shiiskaas oo la sheegay in dawladda Denmark iyo Jamhuuriyada Somaliland ay ka wada shaqeynayaan sidii dad Soomaali ah oo Denmark jooga dib loogu soo celin lahaa Somaliland.

Kulan labada dhinac dhexmaray, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Cumar uu ku sheegay in kulanku uu ahaa heshiis la xiriira gargaar dhinaca horumarka ah oo ay dawladda Denmark ku caawinayso Jamhuuriyadda Somaliland ee uuna ahayn mid la xiriira soo celinta dad Soomaali ah oo Somaliland lagu soo celinayo. Wasiirka ayaa intaas ku daray in kulanku uu daba socdo kulamo horey uga dhacay waddanka Kenya.

Mar uu ka hadlayey sida uu u arko soo noqoshada dadka Soomaalida ah ee sharci la’aanta ku jooga Yurub, gaar ahaan Denmark in Somaliland ay kusoo noqondaan ayaa Wasiirku sheegay in ruuxii si is-xilqaan ah usoo noqonaya ay soo dhaweynayaan laakiin wixii jujuub lagu soo celinayo ayna Somaliland ogolaan doonin.

Warka oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG