Isku xirrada

War

Somaliland: Codbixintii Doorashada oo bilaabatay


Somaliland waxaa si rasmi ah uga bilaabatay codbixinta doorashada madaxtinimada. Dadku waxay codadkooda ka dhiibanayaan 1800 oo xarumood.

Guud ahaa 6-da gobol ee Somaliland waxaa maanta oo sabti ah saacaddu markay ahayd 7-da subaxnimo si rasmi ah uga bilaabmay codbixinta doorashada Somaliland.

Codbixinta oo ka kala dhacaysa inta u dhaxaysa Degmada Dhahar ilaa Lowyacada, ayaa waxaa ka qeybgalaya dad gaadhaya 1100.000 oo qof oo haysta kaararka cod bixinta.

Codbixintan waxay soconaysaa ilaa 6-da fiidnimo ee maanta.

Sadexda musharax Madaxweyne Rayaale, iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ayaa ka mid ah dadka codadkooda dhiibanaya.

Nabadgelyada ayaa guud ahaan si weyn loo adkeeyay Somaliland, iyadoo dhamaan la joojiyay gaadiidka dhexmara magaalooyinka, marka laga reebo kuwo haysta warqad ogolaasho ah oo ay ku socdaan.

Shacabka Somaliland ayaa si weyn isugu soo baxay saaka iyagoo doonaya inay codadkooda dhiibtaan, iyadoo la arkayay dad safaf dhaadheer ku jira.

Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliland oo maanta doorasho u codeynaya. Madaxweyne Shariif wuxuu ugu hambalyeeyay doorashada, isagoo u rajeeyay guul. Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyay maalinta 26-ka June oo ku beegan sanad-guurada 50 ee ka soo wareegatay markii gobollada Waqooyi laga taagay calankii ugu horeeyey ee xor ah.

Guud ahaan wararka ku soo kordha doorashada Somaliland waan idiin soo gudbin doonaa.

XS
SM
MD
LG