Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab : Xuska Mowliidku Waa Mamnuuc


Shabaab : Xuska Mowliidku Waa Mamnuuc
Shabaab : Xuska Mowliidku Waa Mamnuuc

Dhinacyada isaga soo horjeeda talada Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xuska maalinta dhalashada nabi Maxammed CSW.

Dhinacyada isaga soo horjeeda talada Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xuska maalinta dhalashada nabi Maxammed CSW.

Wasiirka arimaha diinta iyo awqaafta DKMG Sheikh Nuur Cali Aadan oo u waramay VOA ayaa sheegay in ay waajib tahay in la weyneeyo xuska nabiga CSW.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay xusaan maalinta dhalashada rasuulka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ka mamnuucday deegaanada ay gacanta ay ku hayaan in wax isku imaad ah oo ku saabsan xuska mowliidka lagu sameeyo.

Sheikh Suldaan oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka hadlay maalinta xuska nabiga iyo waxa ay qabaan kooxdooda.

Culimada Ahlu Suna oo isu soobax weyn u sameeyay maalinta dhalashada Nabi Muxamed ayaa ugu horeen waxay ka hadleen qiimaha ay ugu fadhido shucuubta islaamka maalinta dhalasha nabiga.

Sheikh Cali Yusuf oo kamida culimada ahlu suna kuna sugan gobalada dhexe ayaa la hadlay dad isu soobaxay xuska nabiga.

XS
SM
MD
LG