Isku xirrada

Weerarro Kale oo ka Dhacay Muqdisho


Dilalka bartilmaaameedsan ayaa mar kale maanta ka dhacay magaalada Muqdishu, iyadoo ay wararku sheegayaan in saacadihii hore ee saaka magaalada Muqdishu lagu dilay nin horey uga tirsanaa Baarlamaankii Ku Meelgaarka ahaa oo lagu magacaabo Cumar Yuusuf. Dilkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Wadajir.

Isla degmada Wadajir waxa la sheegay in dablay hubaysan ay toogteen askari ka mid ah kuwa dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kalena, toogasho ka dhacday Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdishu ayaa lagu dilay nin horey uga tirsanaan jiray saraakiishii Ururkii Maxkamadaha oo magaciisa lagu sheegay “Macalim Cali”.

Ma cirto cid ilaa haatan sheegatay ama cid loo qabtay dilalkan.

Ciidamada ammaanka ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu arkayey waddooyinka magaallada maanta iyaga oo xiray waddada Maka Al-Mukarama isla markaana baadhitaan samaynaya.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarro xiriir ah oo tan iyo bilowgii bisha Ramadan ka dhacayey magaalada Muqdishu, waxayna ku hanjabeen inay sii wadi doonaan.

XS
SM
MD
LG