Isku xirrada

Madaxweynaha oo Khudbad u Jeediyey Baarlamaanka


Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khubad muhiim ah ka jeediyey dhismaha Baarlamaanka. Madaxweynaha waxaa tegitaankiisa Aqalk Baarlamaanka ku weheliyey Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweynaha ayaa u sheegay xubnaha baarllamaanka inay soo koobmayaan khilaafaadka dalka, balse weli dadka Soomaaliyeed ay culays ku yihiin caalamka iyo waddamada deriska ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanku ay ka qaybqaateen dhismihii dawladda, isla markaana 60% Golaha Wasiirradu yihiin xubnaha baarlamaanka sidaas darteedna loo baahan yahay in diyaar loo noqdo wadaagista mas'uuliyadda.

Warbixinta madaxweynaha waxaa Muqdishu nooga soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh
XS
SM
MD
LG