Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fadhigii Baarlamaanka oo Buuq ku Dhamaaday


Baarlamaanka
Baarlamaanka

Buuq iyo sawaxan ayaa laga soo sheegay Aqalka Baarlamaanka maanta xilli uu Guddoonka Baarlamaanku isku diyaarinayey in la furo fadhiga baarlamaanka.

Buuqa ayaa la xiriira mooshinka kalsooni kala noqoshada Ra'iisul Wasaaraha ee ay soo gudbiyeen qaar ka tirsan xubanaha Baarlamaanka kuwaasi oo Guddoonka Baarlamaanka ka hor istaagay furitaanka iyo qaybinta mooshinka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kadib ku dhowaaqay in loo dhigay fadhigii baarlamaanka buuqaas awgeed.

Dhinaca kalena xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cumar Dalxa ayaa maanta ka badbaaday isku day dil kadib markii dablay ay weerareen baabuurkiisa buundada Xamar Jajaba ee magaalada Muqdishu.

Laba qof oo kala ahaa dareewalka baabuurkiisa iyo askari ilaalidiisa ah ayaa ku geeriyooday weerarkaasi.

Dhageyso Warbixinta Fadhigii Baarlamaanka oo Buuq ku Dhamaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00

XS
SM
MD
LG