Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali 'Shaqo Joojin Ka Sameeyey Nevada'


Shaqaalahan ayaa u shaqeeya shirkadda Cargill ee hilibka Lo'da (Sawir hore)
Shaqaalahan ayaa u shaqeeya shirkadda Cargill ee hilibka Lo'da (Sawir hore)

Shaqaalahan, ayaa waxa ay ka cabanayaan in loo diiday in la fasaxo xilliyada salaadda inta ay shaqada ku guda jiraan.

Shaqaale u badan Soomaali oo u shaqeeya shirkad ka ganacsata qalista iyo dhoofinta hilibka Lo’da oo la yiraahdo Cargill ayaa sheegay in maalintii afaraad ku jiraan shaqo joojin.

Shaqaalahan oo ku sugan gobolka Nevada ee dalka Mareykanka, ayaa waxa ay sheegeen inay ka cabanayaan in loo diiday in la fasaxo xilliyada salaadda inta ay shaqada ku guda jiraan.

Maxamuud Haajir oo ka mid ah dadka ku jira mudaaharaadka shaqo joojinta, oo muddo ka badan laba sano u shaqeynayay shirkaddan, ayaa VOA-da u sheegay in shaqaalaha mudaaharaadka ku jira ay tiradoodu gaareyso illaa iyo 200 qof.

Caasho Ibraahim ayaa wareysatay Maxamuud Haajir

Soomaali shaqo joojin sameysay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:48 0:00


XS
SM
MD
LG