Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia oo Dooneysa Inay ku Biirto EAC


DKMG ah ayaa shalay si rasmi ah ugu gudbisay codsi ku aadan sidii ay ugu biiri laheyd ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo socdaalka xurta ah ee EAC ee ay leeyihiin dalalka Bariga Africa.

Safiirka Somalia ee Kenya ayaa VOAda u sheegay in codsigaasi shalay la gudbiyay.

War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa lagu sheegay in warqadda codsiga ah oo ka socotay madaxweynaha Somalia Sharif Sheikh Axmed shalay gacanta loo geliyay wasiirka Arimaha dibadda ee Kenya Moses Wetangula.

Ururkan ayaa waxaa ku jira dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Burundi.

Waxaa horey codsi ku biiris looga diiday dowladda Sudan, sababo la xiriira juquraafi ahaan halka ay dhacdo. Sidoo kale waxaa ururka ay gacanta ku hayaan codsi kale oo ay u soo gudbisay dowladda Sudanta Koonfureed.

Warysi ay VOAda ka yeelatay Ambassador Maxamed Cali Ameriko halkan hoose ka dhageyso

.

XS
SM
MD
LG