Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muslimiinta Dunida oo Maanta Soomaya


Muslimiinta dunida ayaa bilaabey soonka bisha Ramadaan oo maanta kow ah. Soomaaliya ayaa inta badani ay dadku maanta sooman yihiin maalintii koowaad ee Ramadaan.

Madaxweyne Obama ayaa war qoraal ah oo uu soo saarey ku sheegey in Muslimiinta Mareykanka ay u dabaaldagayaan bisha barakeysan ee Ramadaan curashadeeda, taasoo buu yiri i xasuusineysa in aanu nahay hal qoys oo Mareykan ah.

Obama ayaa Mareykanka kula dardaarmey in ay xasuustaan malaayiinta qof ee noloshoodu ay soo barakiciyeen dagaalada dunida qeyba ka mida ka jira.

Rabshadaha ay fuliyaan kooxaha xagjirka ah sida qaraxyada iyo weerarada hubeysan ayaa kordha bisha Ramadaan iyadoo meelo ay Soomaaliya ka mid tahayna ay dadku cabsi weyn ka qabaan.

Madax badan oo caalamka ah ayaa ugu hambalyeeyey Muslimiinta dunida curashada bisha Ramadaan, iyagoo ku baaqey in ay dadku xasuustaan malaayiinta reer Syria ee guryahoodii ka soo barakacay kuna soomaya xeryaha qaxootiga.

XS
SM
MD
LG