Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran: Isbahaysiga Maraykanku Waxay Taageeraan Argagixisada


Iran ayaa ku gacansaydhay warbixin dhawaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka taas oo dalka Iran ku tilmaantay inuu yahay mid ka mida dalalka taageera argagixisada.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Iran ayaa ku eedeeyey Isbahaysiga Maraykanka iyo Sucuudigu inay maalgeliyaan hawlaha argagixisada, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu iska indho tiro taageerada siyaasadeed iyo tan maaliyadeed ee Sucuudigu uu meelo badan oo dunida ah ka fuliyo.

"Marka qaybo badan oo ka mida isbahaysiga Maraykanka ee gobolku ay taageero kala duwan u fidiyaan urur ISIS iyo ururkada kale ee argagixisada, dalka Iran isagu wuxuu safka hore kaga jiraa la dagaalanka argagixisada ku sugan Ciraaq iyo Syria" sidaasi waxaa sheegay Xuseen Jaabir Ansari isaga oo la hadlayey telefiishanka dawladda ee Iran.

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa soo saartay warbixin sannadeedkeedii, iyada sheegtay in dalka Iran uu kordhiyey taageerada uu u fidiyo ururka reer Falastiin ee ka taliya Gaza iyo kooxda Xisbullah.

XS
SM
MD
LG