Burcad-badeedda Soomaalida ayaa biyaha dalka Cumaan ka afduubtay markab weyn oo nooca saliidda qaada ah. Markabka oo lagu magacaabaa The Irene SL ayaa waxaa qabsashadiisana xaqiijiyay maamulaha markabkaasi oo dalka Giriiga u dhashay.
Markabkan ayaa sida saliid gaaraysa ilaa labo milyan oo foosto, waxaana uu ka soo qaaday dalka Kuwait isagoo ku soo wajahnaa dalkan Maraykanka.
Qiimaha shiidaalka markabkan saaran ayaa waxaa lagu sheegay in ay gaareyso ilaa 200 oo Milyan oo dollar