Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Ismaan-dhaafka Doorashada Madaxda


Somalia: Ismaan-dhaafka Doorashada Madaxda
Somalia: Ismaan-dhaafka Doorashada Madaxda

Xildhibaanada iyo xukuumadda KMG ah ayaa ku kala aragti duwan qaabka iyo cidda mas'uulka ka noqoneysa doorashada madaxda dowladda.

Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa go’aamiyay in la qabto doorasho madaxda sar sare ee dowladda KMG ah oo xilligoodu uu ku eg yahay bisha August ee sanadkan.

Xukuumadda KMG ah ayaa sheegtay in aanay waxba ka qabin qabashada doorashada, hase yeeshee waxaa muuqata inaan laysku afgaran doorashada madaxweynaha iyo tan ku guddoomiyaha midda soo hormareysa iyo cidda qaban qaabin doonta.

Hadal haynta waxa la yeeli doono xilliga kala guurka waxay u muuqataa inay si xiisadaysan beryahan dambe ay cirka isku sii shareerayso, marka laga eego doodaha arrintaa la xiriira ee warbaahinta lagaga shanqarinayo.

XS
SM
MD
LG