Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Burcadbadeed la Dilay


Muuqaal deg deg ah oo uu sii daayay telefishanka Kuuriyada Koonfureed.
Muuqaal deg deg ah oo uu sii daayay telefishanka Kuuriyada Koonfureed.

Burcadbadeedda ayaa lagu dilay hawlgal ay ciidamada Kuuriyada Koonfureed xoog kaga soo furanayeen markab ay burcaddu afduubatay.

Militariga Kuuriyada Koonfureed ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dilay 8 burcadbadeed Soomaali ah, aroornimadii hore ee jimcaha maanta.

Dilkaasi burcadbadeedda ayaa yimid ka dib markii ciidamada Kuuriyada Koonfureed ay qaadeen hawlgal ay ku soo furanayeen markab ay burcadbadeedu afduub ku haysatay.

Saraakiisha militarigu waxay sheegeen in burcadbadeedu ay toogasho ku dhaawacday kabtanka markabka, intii uu socday hawlgalka soo furashada markabka.

Balse waxay sheegeen in dhammaan 21 shaqaalihii markabka la socday la soo badbaadiyay.
Shan ka mid ah burcabadeedda Soomaalida ayaa la xabisay.

Markabka la soo badbaadiyay waxay burcadbadeedu afduubatay sabtidii isagoo ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, kuna sii jeeday dalka Sri Lanka.

burcadbadeedda Soomaalida waxay maraakiibta ay afduubtaan ku sii daayaan malaayiin dollar oo madaxfurasho ah, waxaana iminka ay xeebaha Soomaaliya ku haystaan ugu yaraan 25 markab oo ay la socdaan inka badan 600 oo shaqaale.

are holding at least 25 ships with more than 600 hostages.

XS
SM
MD
LG