Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Lala Beegsaday Saraakiil Booliiska ka Tirsan


Askari ka tirsan cidanka dowladda
Askari ka tirsan cidanka dowladda

Wararka ka imanaya degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in laba ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax lala beegsaday baabuur ay la socdeen.

Baaburka Qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inay lahaayen ciidamada booliiska ee Lafoole fadhigoodu yahay ayna kusoo jeedeen dhinaca Muqdishu.

Askarta dhaawacantay ayaa la sheegay inay kusoo jeedeen magaalada Muqdishu ka hor intii aanu qaraxu qabsanin, waxaana la sheegay in qaraxu uu sidoo kale burbur koobaan u gaystay baabuurka.

XS
SM
MD
LG