Isku xirrada

War

Somalia: Ajnabi Isugu tegaya Jubbada Hoose

  • Mohamed Olad

Somalia: Ajnabi Isugu tegaya Jubbada Hoose

Somalia: Ajnabi Isugu tegaya Jubbada Hoose

Wasiir ka tirsan dowladda KMG ah ayaa sheegay in ajnabiga ku qulqulaya Jubbada Hoose ay ka kala imanayaan gobollada kale.

Dowladda KMG ah ayaa sheegtay in ajaanibta ka barbar dagaalama ururka al-Shabaab ay isku urursanayaan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Sportiga Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in ajaanibta isugu tegaysa gobolkaasi ay ka kala yimaadeen gobollada Soomaaliya oo dhowaan ay ciidamada dowladda kula dagaallameen.

Wuxuuna sheegay in ujeedada is urursigooda ay ku micneyn karaan, iyagoo raba inay gobolkaasi ku dhuumaaleystaan, maadaama uu culays ka soo fuulay buu yiri gobollada kale, iyo iyagoo doonaya inay u dhowaadaan xeebaha gobolkaasi si ay ugu baxsadaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in ajaanibtaasi ay yihiin kuwo wajiga u qarsoon, uuna ka muuqdo, sida uu hadalka u dhigay, daal iyo rafaad.

XS
SM
MD
LG