Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somali lagu Dilay Minnesota


Goobta Dilku ka Dhacay
Goobta Dilku ka Dhacay

Saddex qof oo Somali ah, oo laba kamid ah ay walaalo yihiin, ayaa xalay lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka.

Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in shilku uu la xiriiro fal burcadnimo, oo la doonayay in xalay lagu dhoco goob ganacsi oo ay lahaayeen labada wiil ee isla dhashay.

Dilkan ayaa argagax ka abuuray jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota, oo ah tan ugu ballaaran dalka Mareykanka. Warar aan la xaqiijin ayaa VOA-da u sheegay in dhagar-qabayaasha ka dambeeyey falkan ay yihiin Soomaali ka tirsan kooxaha gaangiistarrada ah ee ka qaraabta gobolka Minnesota.

Cabdullahi Cabdi Warfaa, oo ay walaalo yihiin labada wiil ee la dilay, ayaa sheegay in falkan uu isaga si gaar ah u xanuujiyey. Wuxuu sheegay inuu isagu booqasho kooban uga yimid dalka Ingiriiska, oo uu deggan yahay, wuxuuna sheegay inuu aad uga tiiraanyooday in walaalihiis dilkooda uu markhaati ka noqdo.

Booliiska Minneaplis ayaa sheegaya inay baaritaan ku wadaan arrintan, isla markaana sharciga lasoo taagi doono dambiilayaashii geystay falkaas burcadnimada ah.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG