Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali USA laga Tarxiiley oo Muqdisho la Geeyay


9 qof oo Soomaali ah oo Maraykanka laga tarxiiley ayaa maanta laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/samad Macalin ayaa VOA u xaqiijiyay in sagaal qof oo rag ah oo laga soo celiyay Maraykanka ay maanta yimaadeen Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay dowladda u sheegtay in dadkan ay si sharci darro ah ku galeen dalka Maraykanka iyagoon wadan wax fiiso ah, sidaasi darteedna ay dib ugu soo celiyeen Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG