Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhakhaatiir Lagu Afduubay Gedo


Dhakhaatiir qaliin sameynaya
Dhakhaatiir qaliin sameynaya

Ururuka Al-Shabab ayaa lagu eedeeyey inay afduubeen shan qof oo ay 3 yihiin dhakhaatiir tuulada Cascasey oo u dhow magaalada Beledxaawo.

Dhakhaatiirta la afduubay ayaa la sheegay inay saarnaayeen laba baabuur ayna kusoo jeedeen magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha degmada Garbaharey Iimaan Caddow Kaarshe iyo dadka degaanka ah ayaa VOA u sheegay in dhakhaatiirta ay Mandera, Kenya kaga soo qaybgaleen siminaar ku saabsan caafimaadka.

Dhakhaatiirtan iyo laba dareewal ayaa la sheegay in loo qaaday degaanka Gaddoon Dhawe oo ay gacanta ku hayaan ururka al-Shabab una dhaxaysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq.

Guddoomiyaha Garbaharey ayaa sheegay inay ku dabajiraan maleeshiyada dhakhaatiirtan afduubay, waxaana sidoo kale socda dadaallo la doonayo in lagu sii daayo dhakhaatiirtaas sida ay mas'uuliyiinta degaanku sheegeen.


XS
SM
MD
LG