Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siyaasiyiin Laga Reebay Liiska Baarlamaanka


C/casiis, C/llaahi iyo C/raxmaan
C/casiis, C/llaahi iyo C/raxmaan
Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa wasiirro iyo siyaasiyiin hore ka reebay liiska xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub.
Xubnaha la soo celiyay waxaa ka mid ah, C/laahi Sh. Ismaaciil oo soo noqday wasiirkii arrimaha dibedda, C/raxmaan Ibbi, wasiirkii kaluumaysiga iyo C/casiis Sheekh Yuusuf oo ah wasiirka caafimaadka.
Xubnaha ayaa lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen hoggaamiye kooxeedyadii dagaalka ee Soomaaliya, eedaasi oo ay si weyn u diideen.
Odoyaasha dhaqanka ee xubnaha la soo celiyay si weyn u diiday in dib u soo celinta waxayna guddiga farsamada ku eedeeyeen inaysan xaq u lahayn in xubnahooda ay soo celiyaan.
Hoos ka dhageyso wareysiyo ay VOA la yeelatay odoyaasha dhaqanka iyo C/casiis Sheekh Yuusuf iyo C/laahi Sh. Ismaaciil.
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:08 0:00
XS
SM
MD
LG