Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Somalia & Sacuudiga Oo Kulmay


Labada mas'uul ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, shaqaaleysiinta dadka Soomaalida ah iyo dhowr arrimood oo kale.

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Somalia iyo boqorka dalka Sucuudi Carabiya boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa maanta ku kulmay magaalada Riyaad.

Kullanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin, arrimaha amniga, shaqaaleysiinta dadka Soomaalida ah iyo dhowr arrimood oo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa safarkiisa Sacuudiga ku wehliya Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo taliyaha ciidamada nabadsugida qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare.

Wararkii ugu dambeyey kulamada labada masuul ayaa Sahra Abdi Ahmed waxa ay ka warreystey Safiirka Somalia ee dalka Sacuudi Carabiya Daahir Maxamuud Geele.

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Boqorka Sacuudiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:23 0:00

XS
SM
MD
LG