Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo Oo Tagay Xarunta KULMIYE


Madaxweyne Siilaanyo
Madaxweyne Siilaanyo

Siilaanyo waxa uu sheegay inuu dhex dhexaad ka yahay arrinta xisbiga Kulmiye ee ku saabsan cidda xisbiga u mataleysa doorashada madaxweynaha Somaliland.

Iyadoo wali uu taagan yahay muranka xisbiga Kulmiye ee ku aadan shirka golaha dhexe ee xisbigaas, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaayo waxa uu maanta tagay xarunta xisbiga.

Siilaanyo ayaa hadal uu ka jeediyey xarunta xisbiga Kulmiye waxa uu kaga hadlay tartanka xisbiga dhexdiisa, wasiiradii is-casilay iyo kuwa ka tagay xisbiga.

Waxa uu sheegay in xisbigu yahay dimuqraadi, dhexdiisana lagu tartamayo.

Siilaanyo ayaa dhinaca kalena beeniyey eedeymaha wasiiradii is-caislay ee ahaa inuu xubnaha xisbiga kala taageeray, waxaana uu sheegay inuu dhex dhexaad ka yahay arrinta xisbiga Kulmiye.

Wariyaha VOA ee Hargeisa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac, ayaa warbixintan inoo soo diray.

Dhageyso Siilaanyo oo tagay xarunta Kulmiye
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:39 0:00

XS
SM
MD
LG