Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo oo ku Dhawaaqay xukuumaddiisa cusub


Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa soo dhisay golle wasiirro oo ka kooban 20, kuwaasi oo ay yeelanayso xukuumaddiisu.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo dhisay gollaha wasiirrada ee xukuumaddiisa cusub, kuwaasoo ka kooban 20 wasiir iyo 6 wasiir-ku-xigeen.

Mr Siilaanyo, wuxuu jeediyey khudbadiisii ugu horeysay kadib markii shalay uu xilka kala wareegay Madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka dawladiisa horyaalla oo ay ugu horeyso kuwa dhaqaalaha, maamulka, iyo waliba arrimaha nabadgelyada gaar ahaan kuwa Gobolka Sool, iyo degmada Buuhoodle.

Mar uu dhinaca dhaqaalaha ka hadlayey Mudane Siilanayo waxa uu sheegay in khasnadaha dawladdu ay maran yihiin, deyn baddana lagu leeyahay.

Dhinaca nabadgelyada waxa uu sheegay in aan dagaal iyo xabbad lagu dhameyn kareynin shaqaaqooyinka ka jira Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle, isla markaansan uu garaaddada iyo cuqaasha uu ugu baaqayo xabbad joojin iyo in gogol nabadeed la wada fariisto.

Dhinaca kale, waxa uu Siilaanyo sheegay in uu dhiirri galin doono maalgashiga dibadeed, isla markaasna uu sameyn doono qorsheyaal dhaqaale, isagoo hantida qaranka loo adeegsan doono oo kaliya u adeegsiga danta ummadda.

Waxa kale oo uu sheegay in uu horumarin doono adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaale, iyo cadaaladda.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay dhinaca arrimaha Dibedda, waxana uu sheegay in waddamada caalamka iyo kuwa deriska ahba uu kala shaqeyn doono dhinacyada nabadgalyada, dhaqaalaha, iyo siyaadda, isla markaasna uu la dhagaalami doono dadka amni darada iyo burcad badeednimada ka wada gobolka.

Dhinaca Somalia, waxa uu ugu baaqan kooxaha ku dagaalamaya inay u turaan dadka shicibka oo ay dagaalka ka joojiyaan.

XS
SM
MD
LG