Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirweyne Caalami ah oo Somalia ku Saabsan


Qaramada midoobey iyo Turkiga ayaa marti-gelinaya shirweyne caalami ah oo ku saabsan arrimaha Somalia .

Shirkan ayaa ka dhici doonaa magaalada Istanbul ee dlakaasi Turkiga.

Shirweynahan oo seddex maalmood socon doona ayaa bilaabmaya jimcaha toddobaaka soo socda waxaana ka qeyb gali doona xoghayaha guud ee qaramada midoobey Ban KI Moon iyo dhowr madaxweyne. Sidoo kale waxaa ka soo qeyb glai doono shirkan raysal wasaarayaal dhowr dal ka kala socda iyo wasiiro qaabilsan arrimaha dibedda.

Safiirka qaramada midoobey u fadhiya dalka Turkey Ertugrul Apakan ayaa golaha amaanka ee qaramada midoobey u sheegey inuu rajaynayo shirkan in uu muujiyo in beesha calaamka ay ku dabo jiraan balanqaadka hanaanka geedi socodka nabadda ee Djibouti.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftey in shirkan uusan ahayn mid lacago lagu aruurinayo balse ay u fursadeyn karto maalgaliyayaasha calaamka in ay ka wada hadlaan fursadooyinka mustaqbalka laga faa’ideysan karo.

Wuxuu shirkan diiradda saarayaa dib u dhiska iyo dib u habeynta dalka wuxuuna soo jiidan doona maalgelinta mashruucyada ku wajahan dib u dhiska dalka taasoo kobcin doonto dhaqaalaha Somalia oo welibana shaqo abuuri doonta. Dhaqdhaqaaqan wuxuu kor u qaadi doona ganacsiga maxalliga wuxuuna u gogol xaarayaa horumaritna bulshada, dhaqaalaha iyo nabadda.

Khuburro badan ayaa sheegey horumarinta dhaqaalaha iyo aasaaska shaqada in ay ka celin karto dhalinyaro faro badan in ay ku biiraan kooxaha xagjirka ah ama in ay burcad badeed noqdaan. Shirweynaha Istanbul ka dhici doono ayaa ku soo beegmaya sannad kadib markii shirweynaha magaalada Brussles uu dhacay kaasoo fursadeeyey in in ka badan 200 oo million oo doolar loo balanqaado dowladda Somalia. Qaramada midoobey waxay sheegen in dowladda Somalia ay heshay 150 milyan oo wlei 50 u dhiman yahay.ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Somalia ahmed ould cabdalla ayaa sheegey in shirkan Istanbul uu u muujin doono dadka somaliyeed iyo hoggaankooda in beesha caalamka ay diyaar u tahay in ay garab istaagaan oo ay la shaqeeyaan.

Shirkan wuxuu ugu hreyn muujinayaa isku-xirnaan siyaasadeed oo loo muujinayo dadka somaliyeed oo caqabooyin faro badan soo maray. Waxay sidoo kale muujineysaa rajo ay dadka somaliyeed ku hanweynaan karaan in aysan keligood ahayn.

Warbixintiisa ugu dambeysey oo uu Ban Ki moon todobaadkan soo saarey ayuu ku xusey in dowladda Somalia ay dadaalo badan ka sameyneyso xagga xasilinta iyo nabadeynta dalka inkastoo carqalado faro badan ay la darseen wuxuuse ka digey in dowladda ay weli taageero dhaqaale uga baahan tahay beesha caalamka.

XS
SM
MD
LG