Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Nairobi oo Soo Xirmay


Shirkii Nairobi oo Soo Xirmay
Shirkii Nairobi oo Soo Xirmay

Shirkii wadatashiga ee labada maalmood ka socday Nairobi ayaa la soo gaba-gabeeyay, waxaana laga soo saaray qodobo kale duwan.

Shirkii wadatashiga ee ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midooday loogana hadlayay arrimaha Somalia ayaa maanta lagu soo afjaray magaalada Nairobi.

Shirkan waxaa ka soo ka qeyb-galay ergooyin kala duwan oo ka socday Baarlamaanka Somalia, Maamul-gobolleedyo iyo ururka Ahlu-Sunna.

Haddaba gaba-gabadii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ay ku qoran yihiin qodobada dhowr ah.

Dowladda KMG ee Somalia ayaa iyadu horey u diiday ka qeybgalka shirka wadatashiga ee Nairobi.

XS
SM
MD
LG