Isku xirrada

War

Shirkii Garowe oo soo Xirmay


Shirkii Garowe oo soo Xirmay

Shirkii Garowe oo soo Xirmay

Shirkii wadatashiga ee dhinacyada siyaasadda Soomaaliya uga socda Garowe ayaa maanta la soo xiray, waxayna kooxuhu ku heshiiyeen qodobo dhowr ah.

Shirka ayaa lagu heshiiyay in tirada baarlamaanka cusub ee 2012-ka laga dhigo 225 mudane, iyadoo dhinaca kalena qaabka awood-qeybsiga baarlamaanka lagu soo xusho hannaanka 4.5. kaasoo shaqeyn doona 4 sanno ee soo socota, wixii intaasi ka danbeeyana awood-qeybsiga lagu saleyn doono qaab deeggaan.

Madaxda kooxaha ka qeybgalayay shirkan ayaa shalay isku mari waayay qaabka awood-qeybsiga, kaddib markii Puntland ay ku adkaysatay in 4.5 laga tago, arrintaasi oo ay ka biyo diideen madaxda dowladda KMG iyo madaxda maamullada kale. Hasse yeeshee Puntland ayaa ugu danbeyn ogolaatay in nidaamka beeleedka 4.5 lagu soo xulo baarlamaanka la soo dhisi doono.

Xidlhibaannada baarlamaanka ayaa fikraddo kale duwan ka bixiyay shirka Garowe. Xildhibaannadii xilka ka riday Shariif Xasan ayaa qaadacay, iyadoo xildhibaannada taageersan Shariif Xasan ay soo dhaweeyeen shirka Garowe iyo waxa ka soo baxay.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixinta xiritaanka shrika Garowe iyo warbixinta aragtiyada xildhibaannada.

XS
SM
MD
LG