Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Garoowe oo Dib u Dhacay


Shirkii Garoowe oo Dib u Dhacay
Shirkii Garoowe oo Dib u Dhacay

Ku-xigeenka wakiilka XGQM ee arrimaha Somalia Christian Manhal ayaa ku dhawaaqay inuu dib u dhacay waqtiga shirka wadatashiga ee Garoowe.

Dib u dhaca waqtiga shirka Garoowe ayaa lagu sababeeyay xiisadda ka soo cusboonaatay baarlamaanka Soomaaliya.

Mr Manhal ayaa hadalkan uga dhawaaqay magaalada Garoowe ee Puntland kaddib markii isaga iyo wafdi la socda ay la kulmeen madaxda maamul-goboleedka Puntland.

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland C/raxmaan Max'ed Faroole ayaa isaguna sheegay in Puntland ay u qorsheysan tahay in shirku uu dhaco 20-ka bishan December oo ku beegan maalinta Talaadada ee soo socota.

Dhageyso warbixin ka hadlaysa kulan maanta ka dhacay Garoowe oo dhexmaray Puntland iyo wafdi ka socday QM, Midowga Afrika iyo IGAD oo Garoowe Booqday

XS
SM
MD
LG