Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Dastuurka Oo Lasoo Geba Gebeeyey


Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa soo xiray shir looga hadlayay arrimaha dastuurka oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen wasiirrada arrimaha dastuurka ee maamul-goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta iyo geedi-socodka ee dib u habaynta dastuurka iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahayeen maamul-goboleedyadu hawshaasi.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay sidii loo sameyn lahaa wacyi-gelin ku saabsan dastuurka, si dadweynaha ay u fahmaan dastuurka, islamarkaana lagala tashado dib u eegista dastuurka lagu sameynayo.

Arrimaha ay suurta-galka tahay inay dhacaan ayaa waxaa ka mid ah in dastuurka wax laga beddelo, haddii ay isla gartaan shacabka, maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Weriyaheenna Cumar Xasan ayaa waxa uu shirkaasi ka wareystay wasiiru-dowlaha arrimaha dastuurka ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Jimcaale.

Wareysi: Wasiiru Dowlaha Dastuurka
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:57 0:00

XS
SM
MD
LG